Maraykanka oo u digey muwaadiniintiisa jooga dalka Jabuuti

Dowlada Maraykanka ayaa u digtey muwaadiniinteeda ku sugan dalka Jabuuti gaar ahaan caasimada Jabuuti.

Qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanka ee Jabuuti ayaa loogaga codsaday muwaadiniinta Maraykanka ee jooga magaalada Jabuuti inay ka fogaadaan goobaha ay ka dhacayaan banaanbaxyada.

“Mucaaradka Jibuuti waxay ku baaqeen in maanta la qabto dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda Jibuuti, dhawaan mudaaharaadyadii ka dhacay halkaas waxaa si buuxda uga falceliyay laamaha amniga, shaqaalaha Mareykanka ee ku sugan Jibuuti waxaa lagula talinayaa inay ka fogadaan goobahaas”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanka ee dalka Jabuuti.

Safaaradda waxay sheegtay goobaha ay ka dhici karaan dibadbaxyada, waxaana kamid ah, xaafadda PK12, Xayabalaay, Balbala Caadi, Sheekh Muuse iyo garoonka Guuleed.

Dhowaan Jibuuti waxaa ka dhacay dibadbaxyo lagu dalbanayay in la sii daayo Fu’aad Yuusuf Cali oo horay u ahaa duuliye ka tirsan ciidammada cirka ee Jibuuti.