Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq Qeybtii 2aad

Qaabka ugu sahlan ee aan jaceylkeyga u sheegan karo.

 

Farxaan:

Ma waxaad I leedahay weli jaceylkeyga ma sheegan.

 

Fartuun:

Talada aan kugu imid ayaa taa ah waxaan kuu heystaa in ad wax badan aad iga qabiirsan tahay waana sababta aan ku soo miciin biday.

 

Farxaan:

Bal ka waran Ayaanle ma yahay nin aad isku aamini kartid.

 

Fartuun:

Taa qalbigeyga ayaa hore iigu sheegay waa wiil qurux badan oo famil fiican ka dhashay waxaan aaminsan nahay gabadhii hesha in ay tahay mida ugu qaalisan adduunyada.

Farxaan warkaa ka xumaaday ayaa yiri.

 

Farxaan:

Adigaba waxaa tahay gabar qaali ah ninkii ku hela ayaa ayaan leh sow ma ogid waxba ha is yasin aniga waxa ay ila tahay in aad marka hore wax badan qalbigaaga dhageysato si aad u ogaado inuu yahay mid kuu qalma.

 

Fartuun:

Taa waan hubaa waa midka kaliya ee koonkaan joogo ee aniga ii qalma.

Farxaan oo hadalkaan dambe niyad jab xoog leh geliyey ayaa si uu hadalka u koobo ku yiri.

 

Farxaan:

Waxay ila tahay in aad hor tagto oo aad u sheegato jaceylkaaga ileyn ku cuni maayee arrinta aad ugu socotana ma aha mid curdan ah qiro sida uu qalbigaaga daremayo.

Fartuun oo afka gacanta saaratay ayaa tiri.

 

Fartuun:

Waa ku sidee Farxaan ma sheegan karo mana ku dhiiran karo sidaa.

 

Farxaan:

Ok ka waran hadaan warqad qortid.

 

Fartuun:

Waa rayi fiican adiga in aad igu saacida ayaan rabaa weligey warqad jaceyl ma qorin.

Farxaan oo doonaya in uu ka baxsado ayaa yiri.

 

Farxaan:

Aniga mashquulkeyga ayaa badan marka adiga isku day

 

Fartuun:

Ka waran hadaan beri Afarta saac kuu imaado waan hubaa xilligaas dukaanka mashquulkiisa ma badna.

Farxaan inta uu haya yiri ayaa uu istaagay oo ku yiri waa inoo beri

Fartuun waxaad moodaa in xoogaa culeyskii ay dareemeysay uu ka fududaatay waxayna isu heysatay in ay durba ku guuleysatay jaceylkii Ayaanle oo ay u dhimaneysay.

Farxaan isaga oo luudayo ayaa uu dukaankii galay habeenkaasna waqti horeba waa uu xiray Hooyo Boolo oo weydiisay waxa helay caawa ayaa uu ku yiri madax ayaa I xanuunayo hooyo.

Habeenkaas Farxaan habeenada waa kaga badalnaa waana uu kari waayey inuu hurdo waxa uuna is tusay in noloshiisa ay qasaartay mar haddii uu waayey Fartuun hadana ma dooneynin in la ogaado wuxuuna go’aansaday in dhibka uu waayah dhigay uu keligii ku koobnaado wuxuuna ogaa in hooyadii haddii ay ogaado in ay wax badan la murgoon doonto waana sababta uu dhibkiisa u doonayo inuu qarsado.

Subaxii markii waaga uu baryey cid kasta ayaa dareemeysay in Farxaan uu wanaagsaneyn waxaase hurdi la’aantii Xalay kaga darnaa in markiiba uu dukaanka furay ay Fartuun oo qalin & warqada sidata ay dul timid oo ku tiri.

 

Fartuun:

Haye diyaar ma tahay saxiib

 

Farxaan oo aan isagaba is ogeyn ayaa yiri

 

Farxaan:

Inkastoo aanan fiicneyn manta hadana balanta waan oofiyaa bal qoraalka bilaaw

 

Fartuun:

Side laguu haayaa Fartuun

 

Farxaan:

Wax sidaa u sii weyn maaha hurdada ayaa xalay igu yareyd

 

Fartuun:

Hagaag ma bilaawnaa

 

Farxaan:

Waa sidaa bal noo bilaaw qor oo muuji in ay isaga ku socoto magaciisana raaci

 

Fartuun:

Hagaag waa qoray bal salaanta soo tuur

 

Farxaan:

Waa iska caadi ku qor waan ku salaamayaa salaan kashka & laabta ka soo go’day

Fartuun oo aan ku qanacsaneyn ayaa tiri.

 

Fartuun:

War salaantii waa tii 60kii mid qarnigaan 21aad la jaan qaato keen

 

Farxaan:

Adiga lee I oranaya qabiir ayaa tahay mooyee abidba warqad jaceyl ma qorin

 

Fartuun:

Ok weligaa qof ma jeclaatay

Farxaan oo kalmadaas xanuun kale ku ah ayaa isaga oo qashuucsan uu cod debacsan ku yiri

 

Farxaan:

Haa laakiin natiijo malaha

 

Fartuun:

Dhib malaha mar kale ayaan kula qorfeyn doonaa xaaladaan laakiin mid ayaan kuu sheegayaa ka soo qaad in aad gabar aad jeceshahay warqad u qoreyso waliba gabadha aan aniga ahay isku day qalbigaaga in ay ku soo dhacaan ereyo qurxoon oo aad gabari ku kasban laheyd jaceylkeeda.

Farxaan markaan isaga oo dhan ayaa is mooday inuu duuli rabo firfircooni ayaa uu dareemay sheekada dhaleynteedka aheyd in ay run noqotay mooday ayaa yiri ku bilaaw.

 

From: Naf Ku Jecel

Marka Hore salaantiyo

Teeda ugu sareysaa

Kuu soo dirayee

Samaan iiga gudoon

Marka Xiga waxaan ahay

Naf kuu heelanow

Hoorineyso hadalkaaga

Hamuunyadii Jaceylkana

Hareerahaaga ka yaalin

Ee Hubaal igula heesoo

Howraarsan I dheh

Farxaan inta uu tixda yar tirinaya indhaha ayaa uu isku haayey Fartuun oo intaas uun in warka la isugu xiro u baahneyd ayaa tiri.

Waa Sheekadii : kurbo aduun iyo kadeed caashaq  kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com