Wasiir ku xigeenkii Amniga Hirshabelle Geelle Isaaq oo is casilay

Wasiir ku xigeenka Amniga ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabelele Xildhiban Geelle Isaaq Warsame ayaa sheegay inuu iska xasilay xilkii Wasiir ku xigeenka Amniga ee uu u hayay maamulka Hirshabelle.

Shir jaraa’id oo uu magaalada Beledweyne ku qabtay ayuu ku sheegay Xildhibaan Geelle inuu xilkaa iska casilay maadaama magaalada Beledweyne uu maamulka Hirshabelle diiday in la qabto banaanbax lagu taageerayo dowlada federalka.

“Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare waxa uu ka soo horjestay dowladda Soomaaliya,isla markaana waxa uu diiday in bulshada ay soo bandhigaan aragtidooda ku aadan taageero ay u hayaan Madaxda Dowladda.”ayuu yiri xildhibaan Geelle Isaaq.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale xabsiga dhigey guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas iyo weriye doonayay inuu duubo banaanbax lagu taagerayay dowlada federalka.
Maamulka Hirshabelle ayaa hadda u muuqda inuu ku biirey Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo iyagu xiriir wanaagsan aan la lahayn dowlada federalka, waxaana dhowaan war saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Hirshabelle uu ku sheegay in uu soo dhoweynayo qoraal ka soo baxay Aqalka Sare.