Ciidamada Jubbaland oo weeraray goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab

Wararka laga helayo degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Jubbaland ay weerareen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo isku uruursanayay meel Dhoobley u jirta 10KM.

Sida wararku sheegayaan dagaal u dhaxeeyay labada dhinac ayaa muddo ka socday goobta Shabaabka lagu weeraray.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa sheegay inay khasaare xoog leh gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ay ku weerareen duleedka Dhoobley.

Ciidamada Jubbaland ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan Dhoobley iyo nawaaxigeeda, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ka socday degmadaas abaabul ciidamo lagu diyaarinayay, si ay howlgallo uga fuliyaan deegaano ka tirsan Jubbooyinka.