Feysal Cali Waraabe “Shirka Jabuuti mowqifka gooni isu taagga Somaliland waxba kama bedelayo”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ka hor-yimid shirka lagu wado inuu maanta ka furmo dalka Jabuuti ee Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo tilmaamay in ajandaha lagu wato shirkaas uu yahay Midnimo.

Feysal Cali Waraabe oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay mowqifka Somaliland aanu waxba iska bedeli doonin, isla markaana gooni isu-taaggooda aanu gorgortan geli doonin.

“Waxa laga hadlayaa waa Midnimo, Somaliland Midnimo waa ka xaaraan, anaga Madaxweyne Muuse Biixi afkiisa ka maqalnay in Safiirka Mareykanka ninka la yiraahdo Yamamoto uu soo wacay uu yiri kulma ee ka hadla Midooba”ayuu yiri Feysal Cali Warabae.

Sidoo kale waxaa uu su’aal ka keenay wada hadalada xilligan bilowday, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ee hada jirta muddo 7 bilood waqtigeeda uga harsan yahay, isla markaana dano siyaasadeed iyo olole uu ku raadinayo Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu kaloo sheegay in haddii la rabo in la soo celiyo 5-tii Soomaali ah ay marka hore Jabuuti iyana soo laabato oo ay ka mid noqoto, haddii taas aheyn aanay iyagu diyaar u aheyn Midnimo sida uu yiri