Qofkii 4aad oo Soomaali ah oo bil gudahood lagu dilay Koofur Afrika

Muwaadinkii 4aad oo Soomaali ah ayaa muddo bil gudahood lagu dilay dalka Koofur Afrika, iyadoo ay sii kordhayaan dilalka iyo boobka lagu haayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku ganacsada dalka Koofur Afrika.

Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabayay C/raxmaan Macalin Cali, kaasoo goobtiisa ganacsi lagu toogtay, kadibna la boobay xaruntiisa ganacsi oo ku taal magaalada Cape Town.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdii burcada aheyd ee dilka ka dambeysay ay goobta ka baxsadeen, mana suura gelin in la soo qabto.

Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koofur Afrika ayaa walaac ka muujiyay dilalka soo badanaya ee loo geysanayo Ganacsatada Soomaalida, lana boobayo goobahooda ganacsi.