Wararkii ugu dambeeyay Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socda Jabuuti

Faah faahin ayaa ka soo baxaya shirka ka socda Jabuuti ee la xiriira wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Shirka ayaa markii hore ku bilowday kulan gaar ahaa oo ay wada qaateen Madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya, oo looga hadlay nabadda geeska Afrika iyo is dhex galka.

Intaas kaddib ayaa waxaa la guda galay shir wadatashi ah oo looga hadlayay Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana shirka khudbad furitaanka ka jeediyay Madaxweynaha Jabuuti oo shirka marti gelinyay.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in Jabuuti ay ka go’an tahay inay sidii u sii wadi laheyd dadaalada Nabada ee Soomaalida, sidoo kale waxaa uu rajo ka muujiyay in Madaxda Somaliland iyo Soomaaliya ay xaliyaan kala aragti duwanaanshaha ka dhaxeeya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo isna shirka ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay nabadda Geeska Afrika iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa horumarinta kobaca dhaqaale ee dalalka Gobolka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isna shirka ka jeediyay khudbad dheer oo uga hadlayay xaalada Soomaaliya, tan Geeska Afrika, wada hadalada Somaliland iyo sida ay uga go’an tahay inay noqdaan kuwa mira dhal ah, isagoo xusay inuu Jabuuti u yimid isla garashada Midnimada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hadaladiisa u badnaa kuwo garnaqsi ah, xaalada ka jirta Somaliland horumarada la gaaray, in Somaliland dooneyso inay hesho aqoonsi caalami ah, lana gaaray xilligii Beesha Caalamka aqoonsan laheyd.

Safiirada Beesha Caalamka ayaa goobjoog ka ah shirka, sida Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Yamamoto, Safiirka Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD.

Wajiga hore ee shirka oo ahaa mid furitaan oo kale ayaa la filayaa in loo guda galo arrimaha masiiriga ee labada dhinac uga hadlayaan, waxaana Guddi labada dhinac bilaabi doonaan shir albaabada u xiran yahay, waxaa dhanka dowladda Soomaaliya hoggaamin doona shirka Ra’iisul Wasaare Kheyre, halka Somaliland uu hoggaamin doono Wasiirka Arrimaha Dibadda.