Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka tagay Jabuuti, dibna ugu laabtay Addis Ababa

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dib ugu laabtay magaalada Addis Ababa, kaddib safar hal maalin ah, oo uu ku joogay dalka Jabuuti, halkaasoo uu kaga qeyb galay furitaankii shirka Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Abiy Ahmed ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay dib u soo celinta wada hadaladii hakadka ku jiray ee Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana uu dadaal ugu jiray in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo oo wada socda inay ka dagaan Hargeysa, balse aanay taas suura gelin.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in wada hadalada u furmay Soomaaliya iyo Somaliland uu daba socday kulan bishii Febraayo ee sanadkan ku dhex maray Addis Ababa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo shalay ka hadlayay furitaanka shirka ayaa sheegay in xubno hal qoys ah ka wada tirsan ay shirayaan, isagoo xusay in dalalka geeska Afrika ay isku xirto hal xudun, ayna yihiin walaalo wada dhashay.