Saciid Deni oo qaadacay shirka Jabuuti, kuna baaqay in la laalo sharciga doorashooyinka

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo ka hadlayay furitaanka Kalfadhiga 46aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta ka furmay Garowe ayaa ku baaqay in la laalo sharciga doorashooyinka Qaran ee ay horay u ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Saciid Deni ayaa mar kale ku baaqay in saamileyda siyaasadda dalka ay isugu yimaadaan shir looga arrinsanayo hannaanka loo wajahayo arrimaha doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda ay dano siyaasadeed ka leeyihiin sharcigan oo uu tilmaamay in aan lagala tashan Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in aanay marnaba ogolaan doonin natiijada ka soo baxda shirka ka socda Jabuuti ee ku saabsan wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

“Waxaan cadaynaynaa in aannan marna ogalaan doonin natiijada kasoo baxda wadahadal kasta oo lala galayo maamulka Soomaliland ee Puntland aysan qayb ka ahayn, Puntland waxaa kala dhexeeya maamulka Soomaaliland khilaaf dhuleed taaso u baahan in aan ka gaarno xal waara, si looga fogaado colaad jiitanta oo dhiig badan ku daato” ayuu yiri Saciid Deni,

Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa u dhaxeeya muran gobolada Sool iyo Sanaag, iyadoo horay labada dhinac ugu dagaalameen deegaano ka tirsan goboladaas.