Shir ku saabsan Is cafinta dhalinyarada oo lagu qabtay Gaalkacyo

Shir ku saabsan iscafinta iyo tiiraanyo bixinta ayaa loo qabtay dhalinyarada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo, waxaana uu qeyb ka yahay shirar loo qabanayo qeybaha bulshada, oo ku saabsan sidii ay isaga cafin laheyn wixii xumaan ah ee horay uga dhaxeeyay.

Shirarkan ayaa hordhac u ah diyaar garowga dhismaha Gole deegaan oo raalli la isaga yahay, kuna yimaada rabitaanka Shacabka Gaalkacyo, kaasoo la qorsheynayo in dhowaan la sameeyo

Waxaa shirkan soo qaban qaabiyay Hey’addaha CRD, FCA IYO EISA oo Galmudug ka caawin doona inta badan dhismayaasha golaha deegaanka degmooyinka Galmudug.

Shirkan ayaa waxaa daah-furkiisa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, Maamulka magaalada Gaalkacyo iyo xubno ka socday hey’adaha soo qaban qaabiyay.

Cabdi Sheekh Doon Nageeye oo ka socday Hey’adda CRD ayaa sheegay inay Galmudug ka caawin doonaan dhismayaasha golaha deegaanka, isagoo dardaaran u jeediyay dhalinyarada.

Kulankan ayaa waxaa maalgeliyay Midowga Yurub oo dhowaan shaaciyay inuu ka qeyb qaadanayo dhismaha Golaha deegaanka degmooyinka Galmudug.

Dhalinayrada ayaa dhankooda ka qayb  qaadanayey dooda ah sidii ay bulshadu isku cafin lahaayeen, si loo helo gole deegaan oo ku yimaada rabitaanka shacabka, waxaana ra’yigooda ku biiriyeen mas’uuliyiinta shirka soo qaban qaabiyay.