Shirka Guddiga Farsamada Soomaaliya iyo Somaliland oo maalinti labaad galay

Waxaa maalintii labaad galay Shirka Guddiga Farsamada ee dhinacyada Soomaaliya iyo Somaliland ee wada hadalka uga socda Jabuuti, waxaana la filayaa in maanta la soo gabagabeeyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shir-guddoominaya, iyadoo Guddiyada kala matalaya uu kala dhex jiro.

Qodobadii laga wada hadlayo ayaa la xiriira arrimo ku saabsan arrimo farsamo, sida in aan la siyaasadeyn mashaariicda, in dib loo bilaabo mashaariicdii horumarineed ee Somaliland, waxaa kaloo guddiga ka shaqeynayaan sidii horay loogu soo wadi lahaa barnaamijka deyn cafinta.

Waxaa lagu wadaa in labada dhinac si wadajir ah markii u horeysay saxaafada ula hadlaan, iyadoo la soo saari doono war murtiyeed.

Dowladda Jabuuti ayaa dadaal ugu jirta mira dhalka wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland, isla markaana wada hadalada ka sii socdaan Jabuuti.