Ciidanka Xoogga dalka oo gaaray deegaano hoos-taga degmada Ceelbuur

Ciidanka Xoogga dalka oo ay wehliyaan kuwa Nabadsugida ayaa howlgal qorsheysan ku gaaray deegaanka War-xoolo oo hoostagta degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud oo ka mid ah deeegaanada Al-Shabaab maamulaan.

Sida wararku sheegayaan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa isaga baxay deegaanka, kaddib markii ay ka war heleen inay Ciidamada ku soo wajahan yihiin, waxaana ay u baxeen dhanka deegaanka Wabxo oo dhowr iyo toban KMG u jirta.

Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad Jen. Mascuud Maxamed Warsame ayaa hoggaaminayay Ciidamada, waxaana ay meel fagaare ah kula hadleen dadka deegaan, waxaana dadka deegaanka u balan-qaadeen inay wixii hada ka dambeeya Al-Shabaab ka xoreyn doonaan, si culeyska iyo cadaadiska saaran uga dulqaadaan.

Ciidamada ayaa sidoo kale gaaray deegaankada Ceel-god iyo warar-dhuuma, halkaasoo dadka deegaanka ku soo dhoweeyeen.

Lama oga in howlgalkan uu yahay mid qorshihiisa yahay qabashada degmada Ceelbuur oo Al-Shabaab muddo sanado ah gacanta ku hayaan, waxaana horay u jiray in Maamulka Galmudug balan-qaaday in Al-Shabaab ka saari doonaan degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee Gobolka  Galgaduud.