Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee Golaha Shacabka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta yeelanaya mid ka mid ah kulamadooda caadiga ah, waxaana kulankan uu yahay kulankii 3aad ee Kalfadhiga 7aad.

Kulanka maanta ayaa ayaa ajandihiisa yahay akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Nootaayooyinka, waxaana hindse sharciyeedka uu ka mid yahay sharciyada u baahan ansixinta ee horyaala Golaha Shacabka.

Xildhibaannada ayaa xalay farriimo qoraal loogu sheegay inay isugu yimaadaan kulanka maanta oo Arbaco ah, waxaana haatan u muuqdaan kulamada baarlamaanka kuwo gaabis ku socda, marka loo eego tan iyo markii kalfadhiga 7aad uu ku furmay buuq iyo sawaxan lagala hortagay khudbadii Madaxweynaha.

Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaala sharciyo muhiim u ah qabashada doorashada, waxaana 27-ka bishan oo ka harsan 10 maalmood loo balansan yahay khudbada ay jeedin doonto Xaliima Yarey oo ah Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka.