Faah Faahin ka soo baxaya Qarax ka dhacay Muqdisho

War goor dhow naga soo gaaray ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa mid jugtiisa laga maqlayo xaafado ka mid ah caasimadda.

Sida wararku sheegayaan qaraxan ayaa ahaa miino ayaa ka dhacay aagagaarka meel u dhow Madaxtooyadii Cabdiqaasim ee degmada Hodan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa ay haleeshay mooto bajaajta, waxaana la sheegayaa inay sababtay khasaare kala duwan.

Qaraxyada miino ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday gaadiidka ciidamada.

Tan iyo markii magaalada bartamaheeda laga xiray jid cadayaasha iyo jidadka ka yimaada Wadada Wadnaha waxaa hoos ud hacay qaraxyada waa weyn ee baabuurta loo adeegsan jiray.