Kenya oo ku guuleysatay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Tartankii u dhexeeyay dowladaha Kenya iyo Jabuuti ee kursiga aan joogtada ahayn ee qaarada Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kadib markii Kenya ay heshay codadkii looga baahnaa.

Kenya oo laga doonayey inay hesho 128 waxay heshay 129, halka Jabuuti oo la loolameysay ay heshay 62 cod.

Codeynta maanta ayaa ahayd tii labaad, kadib markii dalalka Jabuuti iyo Kenya ay shalay isku mari waayeen codeyn loo qaaday.

Codeyntii shalay ayaa waxa ay Jabuuti heshay 78 cod, halka Kenya ay heshay 113 cod, hase yeeshee midna ma helin 128-ka cod ee loo baahnaa in la guuleysto, taasi oo qasabtay in maanta lagu noqdo codeyn kale.

Kenya ayaa markii saddexaad ku guuleysatay kursigan waxana ay ku fadhin doontaa muddo labo sano ah.