Hay’adda BADEF iyo ururka KAAB oo wacyigelin cudurka Covid-19 ka sameeyay Balcad iyo Marka

Iyadoo Goboladda uu ku faafayo Xanuunka COVID-19 ayaa waxaa la wada Barnaamijyo wacyigelin oo looga hortagi lahaa Xanuunkaas oo la ogyahay in dad badan u dhinteen kuwa kalena ay la il daran yihiin.

Hay’ada Badef iyo Ururka Kaab oo kaashanaya Midowga Yurub ayaa Barnaamij wacyigelin ah waxa ay ku qabteen Magaalooyinka Balcad iyo Marka oo kala tirsan Maamuladda Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed waxaana dadkii ka qayb galey loo sharaxay sida uu ku faafo Xanuunka iyo sida looga hortago

Masuuliyiin ka socota Hay’daha Badef iyo Ururka Kaab oo ka hadley gabagabadii Barnaamijkaas wacyigelinta ayaa sheegey in Barnaamijka Wacyigelinta ay gaarsiin doonaan Degmooyinka ka ee ka tirsan Maamuladda Hirshabeele iyo Hirshabeele

Qaar ka mid ah dadkii ka qayb galey Barnaamijkaas wacyigelin oo ka hadley halkaas ayaa u mahadceliyey Dhamaan Hayadihii soo qaban qaabiyey iyagoo sheegey in markii hore aysan Fahamsaneyn qaabka uu ku faafo Xanuunka iyo sida looga hortago balse maanta ay Fahmeen Cudurkaas iyagoo sheegey in dadka aan helin fursadaan gaarsiin doonaan

Ugu dambeyn Masuuliyiintii ka socdey Hayadaha BADEF IYO Ururka KAAB ayaa u mahadceliyey Midowga Yurub iyagoo sheegey in la’aantood aan la qaban lahayn Barnaamijkaan Wacyigelinta ah waxaan dadkii ka soo qayb galey loo qaybiyey waxyaabaha looga hortago Xanuunka COVID-19 sidoo kale Hayadaha ayaa dadka Deegaanka u adeegsanayey Codbaahiyaal dadka loogu sheegayey sida uu ku faafo Xanuunka sida looga hortago.