Wasiirka Amniga Galmudug Fiqi oo booqday taliska ciidamada Badda Galmudug

Wasiirka Amniga Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta booqday taliska Ciidamada Badda ee Booliska Galmudug ( Galmudug Maritime Police Unit) oo saldhigoodu yahay magaalada Hobyo.

Booqashada wasiirka oo ay ku weheliyeen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Senator Cabdi Qeybdiid ayaa warbixin ka dhagaystey taliyaasha ciidanka Badda Galmudug.

Hadal uu u jeediyay Wasiir Fiqi saraakiisha iyo ciidamada uu booqday ayuu u ballanqaaday in la tayeyn doono ciidamada Badda Galmudug si ay ugu guuleystaan ilaalinta maraakiibsta sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha.

Maamulka Galmudug ayaa dhowaan waxaa uu la wareegay maleeshiyaad iyo hubkooda waana markii ugu horeysay ee Maamulka cusub ee Galmudug uu ballanqaad u sameeyo ciidamada badda Galmudug oo xaruntoodu ay tahay magaalada xeebta ku taal ee Hobyo.