Hormuud Salaam Foundation oo lagu ammaanay gurmadkii Fataahada Wabiga Shabelle

Munaasabad kooban oo loogu mahad celinaayay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation gurmadkii ay ka sameysay fatahaadii wabiga Shabelle uu ka geystay Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa Guddoomiyaha Hey’adda Hormuud Salaam Foundation, Guddoomiyaha gudiga Gurmad Walaal, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dastuurka.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Gurmad Walaal Ciise Maxamed Cumar wuxuuna sheegay inay mahad balaaran u jeedinayaan hey’ada Hormuud Salaam Foundation oo si damqasho leh uga jawaabtay baaqyadii ug yimid dadka dhibaatadu saameysay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka kana mid ahaa gudiga gurmadka Shabeellaha Dhexe ee fatahaadaha Maxamed Abuukar Zubeer ayaa ka mahad celiyay garab istaagii Hay’adda Hormuud Salaam Foundation.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay masuuliyad iska saareen u gurmashada dadkii uu saameeyay fatahaada wabiga Shabelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.