Maamulka Somaliland oo qaaday xayiraadihii Covid-19

Maamulka Somaliland ayaa ku dhowaaqay go’aano dib loogu fasaxayo dhammaan xayiraadihii loogaga hortagayay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay fasaxeen duulimaadyadii, Waxbarashadii, Ciyaarihii dhalinyarada iyo weliba huteelad waaweyn ee hore loogu xirey sababo la xiriira cudurka Covid-19.

Hase yeeshee Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sheegay in qof kasta oo ka soo degaya garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa looga baahan yahay inuu haysto waraaq cadeynaysa inuusan qabin cudurka safmarka ah.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland ayaa sheegay in xayiraadahan ay si toos ah u dhaqan gali doona 30-ka bishan.

Si kasta ha ahaatee xayiraadahan ayaa la qaaday iyadoo weli laga soo sheegayo magaalada Hargeysa inuu ka jiro cudurka Covid-19.