Taabit “Arrinta Maqaamka Muqdisho waa dastuuri, isaga ayaana cadeynaya matalaadda”

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay doodda Baarlamaanka ee khuseysa Gobolka Banaadir, isagoo xusay inay tahay qadiyad Soomaaliyeed oo u baahan in si siman looga jawaabo.

Taabit ayaa xusay in arrinta Maqaamka Muqdisho ay tahay arrin Dastuuri ah oo caddeneysa mataalada ay leedahay, isagoo xusay inay jirto su’aal ah waxa la raadinayo inay tahay Maqaam mise Matalaad.

Halkan hoose ka akhriso qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay:-

Doodda Barlamaaniga ah ee khuseysa Gobalka Benaadir, ma taabaneyso qof, qoys iyo qolo gaar ah. Waa qadiyad Soomaaliyeed oo u baahan in si siman looga jawaabo, si Soomaalinimo ah loogu istaago, oo wax wanaagsan laga soo saaro.

Cadka in la qeybsado waxaa ka horeeya in la helo lana raadiyo midka saxda ah, si taas ay u dhacdana waa in la wada raadiyaa wax u qalma dadka saddexda milyan ka badan ee caasimadda degan, laakiin waxaa jirta su’aal ah maxaa la raadinayaa Maqaam mise Matalaad?.

Sida ay la socdaan inta badan xubnaha Golaha Shacabka, wuxuu Baarlamaankii 9aad meel fiican soo gaarsiiyay howsha maqaamka Muqdisho oo xitaa la isla fahmay nooca maamul ee ugu haboon. Maanta in Maqaamkii laga caga jiido oo loo leexdo matalaad ku kooban Aqalka Sare, waxaan filayaa in aaney wax weyn ka bedali doonin baahida maamul, amni, caafimaad, waxbarasho iyo horumarineed oo ay qabaan dadka ku nool Gobolka Benaadir

Arrinta Maqaamka Muqdisho waa dastuuri, isaga ayaana cadeynaya matalaadda, waxaana soo jeedinayaa in mudnaanta la abaaro, loo turo shacabka, mustaqbalka la xeeriyo, oo aan dhammaanteen bixinaa wax u qalma magaalada dalka ugu dadka, baaxada, daqliga, canshuurta iyo dulqaadka badan.

“Maalintaad mansabka heyso wax mudnaan leh sameey, si ay berri caruurteena mustaqbal wanaagsan ugu noolaadaan.”