Xildhibaan Dhuxulow; ”Baarlamaanka waa inuu u hiiliyaa Gobolka Banaadir.”

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa qudbad uu ka jeediyay maanta kulan ay yeesheen golaha shacabka waxa uu ugu baaqay xildhibaanada inay u hiiliyaan gobolka Banaadir.

Mustaf Dhuxulow oo si degen qudbadiisa u ka jeedinayay Golaha Shacabka ayaa xusay in gobolka Banaadir uu mudan yahay in loo hiiliyo isagoo shacabka ku noolna ku tilmaamay dad nabadda jecel.

“Gobolka Banaadir 2008dii waxaa loo dhisey gole deegaan oo si sharci ah loo dhisay,siyaasad ayaa lagu baabi’iyay,waana inuu Madaxweyne Farmaajo u hiiliyaa gobolka.”ayuu yiri xildhibaan Dhuxulow.

Xildhibaanka ayaa sheegay in golaha shacabka iyo aqalka sare ay mudan yihiin in kuraas badan ay ka helaan dadka gobolka Banaadir.

“Waxaan ku talinayaa in kuraasta Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare la gaarsiiyo 13 kursi.”ayuu sii raaciyay xildhibaan Dhuxulow.

Kulanka oo ah kii 7-aad ee kalfadhigiisa 7-aad ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,waxaana goobjoog ka ah inta badan xildhibaanada golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka ayaa ah dhamaystirka ka doodista xeerka kuraasta gobolada waqooyi iyo ka doodista xeerka matalaadda gobolka Banaadir,oo shaly si aad ah mudanayaashu ay uga doodeen,168 Xildhibaan ayaa goobjoog ah fadhiga.