Madaxweynaha Hirshabelle Waare oo la kulmay wafdi ka socda Dowlad Deegaanka Soomaalida

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xafiiskiisa magaalada Beledweyne ku qaabilay wafdi ka socday Maamulka Dowlad Deegaanka Itoobiya isagoo ka xog wareystay dhab u heshiisiinta iyo muhiimada ay leedahay iskaashiga ka gacansi iyo amni ee labada Dowlad Goboleed.

Wafdi ka socday Dowlad Deegaanka Soomaalida itoobiya oo isuga Jira heer wasiir Iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabelle ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida  Mustafa Cagjar, waxaa soo dhoweyn wanaagsan loogu sameeyay Magaalada Beledweyne, waxaana ujeedka wafdigani uu qeyb ka yahay dadaalada dib u heshiineed ee ka socday Deegaanka Feer-feer.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle ee Dowlad degaanka Soomaalida Aadan Axmed Sooyaan ayaa sheegay in ujeedka ay u yimaadeen ay ku qotonto dhinacyo badan sida ganacsiga wada noolaanshaha iyo amniga bulshada labada dhinac

Dhowaan ayaa wafdi isugu heer wasiir iyo heer gobol oo ka socda maamulka Hirshabelle iyo maamulka gobolka Hiiraan deegaanka Feer feer halkaas oo dhowaan dagaal beeleed ka dhacay.