Madaxweynaha Koofurgalbeed oo xilka ka qaaday xubno ka mid ahaa golihiisa wasiirada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa xil ka qaadis ku sameyey qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada waxana uu magacaabay kuwo cusub.

Wareegto uu ku saxiixnaa Madaxweyne Laftagareen ayaa wasiirada xilalka laga qaaday Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dhowaan madaxweynaha Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen uu sameyn doono isku shaandheyn weyn taasoo la filayo in xilalkooda ay ku waayaan wasiiradii hore ee la shaqeyn jirey Madaxweynihii hore ee Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada oo dhameystiran.