Senataro waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare

Senataro ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka soo horjeestay qoraal maanta uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi taasoo ku saabsanayd xeerarkii dhameystirka doorashooyinka oo Guddoomiyuhu sheegay in wax ka bedel lagu sameeyay.

Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyey qoraalka guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, isagoo sheegay in sharciga doorashooyinka xeerarka kaabaya ay yihiin kuwa sharci ah maadaama guddoonada labada aqal ay si wadajir ah u magacaabeen guddiga isku dhafka ah ee soo diyaarinta xeerarka hoos imaanaya sharciga doorashooyinka qaranka 28-ka bishii Febraayo ee sanadkan.

Waxa uu intaasi raaciyay Senator Ayuub in qoraalka uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi aysan raalli ka wada ahayn Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya isla markaana la doonayo in lagu dumiyo Aqalka Sare.

Sidoo kale shirka jaraa’id ayaa waxaa ka hadashay Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga soo diyaarinta xeerarka Sharciga doorashooyinka waxayna sheegtay in xeerarka la horgeeyay Golaha Shacabka ay yihiin kuwii saxda ahaa oo muddo laba bil ka badan ay socotay diyaarintiisa.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in aysan ahayn xeerarakii saxdaa ee la hor geeyey Golaha Shacabka ayna qaarkood meel mariyeen, waxaana uu Gudoomiyaha aqalka sare dalbaday in la joojiyo ka doodista iyo ansixinta xeerarkaasi inta laga saxayo, isagoo soo bandhigay 27 qodob oo wax laga bedelay.