Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahin la xiriirta qarax miino oo ka dhacay goor dhow degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhacay halka loo yaqaan hanta dheer ayaa la sheegay in lala eegtay gaari uu la socday sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska gaar ahaan booliiska ka howlgala saldhiga degmada Dayniile.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ka badbaaday sarkaalkii lala damacsanaa balse waxaa waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Weerarada loo adeegsada miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho iyadoo dhowaan uu ka badbaaday sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska dalka Soomaaliya.