Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo gaaray magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan maamulka Puntland ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Booqashada Deni oo aan hore loo sii shaacin ayaa timid kadib markii uu maanta booqday magaalada Boosaaso halkaasoo uu ciidamo ka tirsan ciidamada Badda ee Puntland uu tababar ugu soo xirey.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ku soo dhoweeyay xubno ka mid ah labada gole ee Dowladda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maamulka Gobolka iyo kan degmada, Saraakiisha Amniga ee Gobolka iyo qeybaha kale ee Bulshada Gobolka Mudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu kula kulmi doono magaalada Gaalkacyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo ku sugan hadda degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Maamulka Puntland iyo Galmudug oo deris ah ayaa u bilaabanaya xiriir cusub oo wada shaqeyn ah, kaddib markii Galmudug ay gashay is bedel cusub.