Sawirro: Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug oo ku kulmay Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Waqooyiga Gaalkacyo kula kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Kulankan oo ah kii u horreeyay ee labada Madaxweyne ayaa looga hadlayaa iskaashiga amniga, wadatashinta iyo xiriirka labada maamul ee deriska ah.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa muddooyinkii u dambeeyay is bedelo ka sameeyay deegaanada Galmudug, isagoo maamulkiisa ku soo daray xubnihii mucaaradka ahaa iyo kuwii ka soo horjeeday doorashadiisa muranka dhalisay.

la soco wixii warar ku soo kordha kulankan