Guddoomiye Xaliima Yarey oo maanta hortageysa Baarlamaanka (Maxaa laga filan karaa…? )

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil (Xaliima Yarey) ayaa maanta oo Sabti ah oo taariikhdu tahay 27 June waxay hortagi doontaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka oo ahaa balan horay loo go’aamiyay, si ay warbixin ku saabsan doorashada uga jeediso Golaha.

Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa hadal jeedinteeda Baarlamaanka ku saabsan doorashada 2020/21, waxaana ku horgudban dhowr su’aalood.

Arrinta aadka loo hadal haayo ayaa ah in doorasho qof iyo cod ay dhici karto, taasoo dad badan aaminsan yihiin in aanay xilligan dalka ka dhici karin, maadaama caqabado badan ku horgudban yihiin.

Hase ahaatee aragtida Madaxweynaha qabo ayaa ah doorasho qof iyo cod ah oo sida ay ku dhici karto iyo waqtiga harsan aanay suura gal aheyn, sidaas waxay dadku qabaan in Guddoomiye Xaliima Yarey oo xiriir la leh Madaxweyne Farmaajo ay dhici karto wuxuu Madaxweynuhu damacsan yahay oo kaliya inay Baarlamaanka ka hor-sheegto.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa sheegaya in haddii Guddoomiye Xaliima Yarey Baarlamaanka ka sheegto wax aanan suura gelin xilkeeda su’aal la gelinayo oo Baarlamaanku markaas tallaab ka qaadi doono.

Arrinta kale ee hadal heynta ayaa ah in Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka laga sugayo oo kaliya labo arrin ah oo ah doorasho qof iyo cod waa la qaban karaa iyo lama qaban karo.

Waxaa kaloo iyana meesha ku jirta inay dalban karto haddii doorashada waqtigeeda ku dhici weydo muddo kordhin ama waqti dheeraad ah ay u hesho oo doorasho lagu qabto, taasoo iyana caqabadeeda leh.

Si kastaba ha ahaatee hadal jeedinta Xaliima Yarey ayaa ah mid isha lagu haayo, waxaana dalka ay gelin kartaa xaalado cusub oo siyaasadeed, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay dalku sii galayay marxalad kala guur ah.