Xeerka Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo cod loo qaadayo

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh Xarunta Villa Hargeysa, iyagoo soo gabagabeynaya doodda Xeerka Matalaadda Aqalka Sare oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.

Doodda labadii maalmood socotay ayaa ahaa kuwo aad u xasaasi ahaa oo gaaray heer Xildhibaannada si kulul isugu jawaabaan, waxaana xildhibaano gaaraya 130 Xildhibaan oo saxiixay mooshin ku saabsan in tirada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir ay noqoto 13.

Sidoo kale Xildhibaannada mooshinka keenay oo u badan kuwa ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa ka dalbanayay Xildhibaannada inay u hiiliyaan Gobolka Banaadir oo la siiyo matalaadda ay mudan tahay.

Inkastoo xeerka Mataaladda Gobolka Banaadir ee Aqalka ay dooddiisa aad u dheeraatay, marka loo eego labada xeer ee la ansixiyay, hadana waxaa aad la isugu hayaa mataaladda Gobolka Banaadir oo Xildhibaanno qaar ku doodayaan in loo marayo hab aan sharci aheyn.

Kulanka codka loogu qaadayo ee maanta ayaa laga cabsi qabaa inuu harreeyo buuq iyo fowdo, waxaana jiray Xildhibaanno tan iyo xalay olole ugu jiray oo doonaya in aan cod loo qaadin xeerkan, jawiga baarlamaankana la geliyo fowdo.