Akhriso: War murtiyeed laga soo saaray shirkii Madaxda Puntland iyo Galmudug

Shirka Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug Saciid C/llaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo magaalada Gaalkacyo uga socday ayaa soo gabagaboobay, iyadoo laga soo saaray war murtiyeed ka kooban 7 qodob.

Shirkan oo socday 26-27 bishan June ayaa Madaxda labada dowlad goboleed wafuud ay kala hoggaaminayeen kulamo ku yeeshay Madaxtooyada Puntland ee Waqooyiga Gaalkacyo.

“Labada Dowladood ee Puntland iyo Galmudug waxay isla garteen inay iska kaashadaan, arrimaha Amniga, Nabadeynta, Dib u heshiisiinta, horumarka dhaqaalaha”ayaa lagu yiri War murtiyeedka ay si wadajir ah u soo saareen.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa shalay qado sharaf u sameeyay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni, waxaana si wadajir ah ay u tallaaleen geedka Nabadda Gaalkacyo.

Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka:-