Xasan Sheekh “Kororsiimada uu Madaxweynaha u hanqal taagayo ma ahan mid ku kooban isaga oo kaliya…”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa ayaa ka hadlay arrimihii shalay ee ka dhacay Golaha Shacabka, sida ansixintii Matalaadda Gobolka Banaadir iyo hadal jeedintii Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in hoggaanka hadda talada haya ay si bareer ah u diidday labo arrimood oo waa weyn, sida inay si aan qarsoodi laheyd u diidan yihiin nidaamka Federaalka ee Soomaalida ku heshiisay inay dib ugu dhisato dowladnimadeeda.

Sidoo kale waxaa uu xusay hoggaanka dalka ay diidan yihiin qabashada doorasho heer qaran ah oo heshiis lagu wada yahay, si loo helo kalsoonida heer labaad ee Federaalka, oo kala ah dowlad goboleedyada iyo midda saamileyda sida xisbiyada siyaasadeed

“Waxaa la jooga waqtigii ay dhici lahayd doorashada qaran ee xilli-xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee heer federaal. Shalay oo taariikhdu ahayd bisha Juun 27, 2020 waxaa golaha shacabka hadal jeedin ka sammeeyay guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), Marwo Xaliima Ismaaciil Ibraahim, Hadaljeedinta guddiga oo muddo laga war dhowrayay waxay noqotay mid aad looga fajacay oo dadka Soomaaliyeed ka yiraahdeen “TANI TAAN U DHIGANNAYBA MA AHA” li’anna lagama sugeynin muddo kordhin iyo abuurid mugdi siyaasadeed oo hor leh”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in muddo saddex sano ka badan Guddiga doorashada ay sheegayeen inay diyaar ka tahay doorashada, hase ahaatee hadal jeedinta Guddiga waxaa ka soo baxday in Umadda Soomaaliyeed u hosaasiyeen waqti xeero iyo faldhaal kala dhaxeen inay ummadda usoo dhigeen inay ruux dheereysi u sammeeyaan hoggaan muddo ku dhaw afar sano wax ka qaba waayay doorashada dalka isla markaana xoog iyo xoolo fara badan ku bixiyay burburinta nidaamka federalka ee dalku doortay.

“Hadal jeedinta Guddiga waxaa laga dhadhansan karaa muddo kordhin rimman oo wadata muddo kordhin kale Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa waxay muddo dheer ku faanayeen iney wada joogeen muddo ku dhaw afar sano. Hase yeeshee maalin ka mid ah muddadaas Madaxweynuhu kama hadlin wax doorasho la yiraa. Haddaba, ninkii doorasho laga sugayay ee aan ka hadlin muddadaas dheer sow shalay afkiisa af aan ahayn looguma hadlin? oo GMDQ nama dhihin Madaxweynaha iyo dhammaan hay’adaha dastuuriga ah (Madaxweynaha, 2da aqal ee baarlammaanka iyo guddoonkooda, afar sano howl doorasho maalinne ma soo hadal qaadin laakin doorasho wey qaban karaan haddii loo kordhiyo muddo xiloodkood ku dhawaad Sanad ama ka badan, arrintaas waa kaaf iyo kala dheeri”ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa uu xusay in hadal jeedinta Guddiga inuu ku cad yahay muddo kordhin hoosta ku wadato muddo kordhin kale.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh ayaa sheegay in kororsiimada uu madaxweynuhu u hanqal taagayo aan aheyn mid ku kooban isaga oo kaliya waxay gadaal ku wadataa kororsiimayaal badan oo kala Golaha Shacabka, Aqalka Sare Xukuumadda, iyo kororsiimada muddo xileedka Guddiga doorashooyinka qaran.