Iran oo soo saartay qoraal lagu soo xirayo Madaxweyne Trump

Dowlada Iran ayaa soo saartay warqad lagu soo xirayo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump,si loogu qaado dacwad ah dilkii General Qassem Soleimani.

Dambi-oogaha dalka Iran Ali Alqasimehr ayaa sheegay in Madaxweynaha Maraykanka iyo soddon kale ay wajahayaan dambiyo ah dil iyo argagaxisanimo.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidamada Maraykanka ayaa gantaal ku dishey 3dii bishii Janaayo ee sanadkan General Suleyman oo ahaa sarkaalkii ugu sareeyay ee ciidamada dalka Iran.

Dowlada Iran ayaa ka codsatay hay’adda caalamiga ah ee Interpol inay gacan ka geysato sidii loo soo qaban lahaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Interpol oo ah hay’ada Booliska Caalamiga.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in Suleymani oo ahaa 62 sano jir uu qorsheynayay weeraro waaweyn.