Matalaada Muqdisho waxa ay fure u tahay deganaanshaha iyo xasiloonida Soomaaliya

Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya isaga oo gudanaayo waajibaadka dastuuriga ee ka saaran midnimada iyo isku heynta dadka iyo dalka Soomaaliyeed waxaa uu gaaray maalintii sabtida ee 27ka juun sanadka 2020 go’aan taariikhi ah.

Kadib markii gobolka Banaadir oo ah gobolka ay ku nool yihiin dadka ugu tirada badan jamhuuriyadda Soomaaliya isla markaana ugu dhaqaalaha badan waqtigaan aan joogno inuu siiyo matalaad uu ku yeesho aqalka sare ee baarlamaanka. Matalaada Muqdisho ee aqalka sare waa lagama maarmaan si loo helo nabad waarta oo ka islaaxda dalka Soomaaliya.

Hadaba si go’aanka baarlamaanka uu u noqdo mid sharci ah oo dastuuri ah una dhaqan galo si degdeg ah waa in xildhibaanada baarlamaanka ay sida ugu dhaqsaha u gudbiyaan mooshin sharci curin ah oo ay waxa uga bedelayaan qodobka 72aad ee dastuurka KMG ah waayo qodobkaas sida uu u qoran yahay waa si qaldan oo aad iskaga soo horjeeda sidaa darteed waa in si degdeg ah dib u eegis loogu sameeyaa maadaama uu sida uu u qoran yahay ay qaldan tahay ku dhaqankiisuna uu laalan yahay oo ay hore u laaleen madashii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud sanadkii 2016ka.

Soomaalida ku doodeysa qodobka 72aad ayaa la jabiyey waa qaldan yihiin waayo haddaba  xubnaha aqalka sare kuma dhisno qodobka 72aad ee dastuurka KMG , waayo waxaa ku qoran qodobkaas in saldhig looga dhigo xubnaha aqalka sare 18kii gobolka ee kacaankii oktoobar iyo in si isle’eg ay u qeybsadaan dowladgoboleedyada laakiin madashii Madaxweyne Xasan Shikh ee sanadkii 2016kii oo u muuqaal ekeed golihii sare ee Kacaankii Oktoobar ayaa laashey qodobkaas iyo awoodii baarlamaankii sharciga ee jiray sanadkii 2012-2016.

Madashaas uu hogaaminaayey madaxweyne Xasan Shiikh waxa ay xubnaha aqalka sare u qeybiyeen sida soo socota: Somaliland 11, Puntland 11, Galmudug 8, Hirshabeele 8, SouthWesst 8 , Jubaland 8 iyo Banaadir 0. Waa cadaaladii quruxda  badneed ee aan ka dhaxalnahay dowladdii madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud xataa waxaa la diidey in xubnaha aqalka sare lagu qeybsado nidaamka awoodqeybsiga soomaalida ee 4.5 sidaa darteed qodobkaan hada lagu doodaayo horey ayaa loo laalay oo waligiis lama dhaqan galin sidaa darteed waa in dib u eegis degdeg lagu sameeyaa waayo waa qalad iyo foolxumo in inta dastuur la qorto hadana meel la iska dhigo oo aan lagu dhaqmin waana sababta keentey dagaalada sokeeye iyo burburka Soomaaliya.

Waxaa haboon in marka ugu horeysa meesha laga saaro sideedaba  qodobka ka hadlaayo 18kii gobol ee kacaankii oktoobar waayo waxaan ognahay in soomaali badan ay dood weyn ka qabaan qaabka ay ku yimaadeeen goboladaas sidaas darteed waxaa haboon in meesha laga saaro qodobkaas maadaama aan raadineyno soomaali siman oo is jecel oo nabad ku wada noolaata..

Habka ugu fiican ee xubnaha aqalka sare loo qeybin karo ama saldhig looga dhigi karo waa labada qodob ee socda:

1- Tirada dadka ku nool dowlad goboleedkaas, population of the state (Qaacidaadaan waxaa isticmaala dalka jarmalka oo dowlad federaal ah).

2- Canshuurta heer dowlad goboleed(State Tax) iyo heer federaal (Federal Tax) ee uu uririn karo dowladggoboleedku sanad walba. Qodobkaan wuxuu horseedaa in muwaadiniinta dowlad goboleedyada ay ku tartamaan canshuur bixinta iyo horumarka dowlad goboleedkooda. Markaa dowlad goboleedkii is bixin waayo waxay noqonee in la baabi’iyo oo  dowlad goboleed kale lagu daro sida dowladdaha aduunka oo dhan ay u dhaqmaan.

Inta laga gaaraayo tirakoob rasmi ah waxaa tirada dadka lagu jaanogeyn karaa tirakoobkii ugu danbeeyey ee qaramada midoobey ay ku sameysey adeega xaga satelliteka ama tirakoob cusub oo satellite ah ayaa laga dalban karaa qaramada midoobay(UN).

Haddii tirakoobka sateliteka ee qaramada midoobey aan lagu qanacsaneyna waa tirada aqalka sare ee 67ka loo qeybsan karaa 5ta qeybood ee soomaalidu ay wax ku qeybsato iyadoo qeyb walba la sinaayo 13 xubnood sidaasna waxa ay ku noqoneysaa 13X5= 65, labada xubnood ee dheeriga ahna waxaa la siinaa gobolka Banaadir oo lagu samir sinaa inta tirakoob rasm ah oo wax lagu qeybsado laga gaaraayo maadaama Muqdisho ay tahay caasimadii dalka iyo hooyadii ummadda soomaaliyeed oo dhan.

Haddii wax kale lagu heshiin waayo aan waxba ku qeybsano qaacidada 4.5 ileen muddo dheer ayaa lagu soo dhaqmaayo,

Iska iloow qaacidada 4.5 marnaba lagama gudbaayo ilaa tirakoob  satellite ama tirakoob rasmi ah la sameeyo oo gobol walba iyo degmo walba tirada dadka ku nool wax lagu qeybsado hadii kale cadaaladii daradii  dagaalada sokeeye horseedey oo dalka burburisey ayaan ku noqoneynaa.

Walaalayaal waa inaan wax ka baranaa dhibka na soomaray iyo burburka aan ku soo jirney muddada 30ka sano ka badan iyo sababaha keenay burburka oo horseedey in dowladnimadeenii aan gacmaheena ku burburino. Qof walba oo soomaali ah meel walba dunida haka joogee waa inuu la diriraa cadaalada darada oo uu gacanta qabtaa oo u naseexeeyaa qofkii ku baaqaya nidaam horseedaya cadaalad daro bulsho iyo bur bur hor leh oo ku dhaca dalkeena Hooyo. 

Waa fikirkeyga gaarka ah qasab ma aha inaad igu raacdid laakiin bal adigu keen dood maangal ah oo aad ku diideysid mataalada gobolka Banaadir.

Qalinkii xildhibaan Cabdala Aadan Xasan ( Cabdala siyaasi)
abdullahihassan@hotmail.com
Sweden.