Al-Shabaab oo weeraray saldhig Ciidanka Milateriga ku lahaayeen Beledweyne

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab xalay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Milateriga ku leeyihiin magaalada Beledweyne.

Weerarkan ayaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo Ciidamada AMISOM ee ka socda Jabuuti ay dagaalka kaga qeyb qaateen hub culus oo laga maqlayay xaafadaha Beledweyne.

Dagaalkan oo socday ku dhowaad saacad ayaa si dhab ah loo ogeyn khasaaraha uu geystay, iyadoo ciidanka milateriga ee saldhiga ku leh halka lagu magacaabo Bacaadaha oo ku dhow Xaafada Howlwadaag ee Galbeedka magaalada Beledweyne.

Saraakiisha ciidanka Milateriga ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab soo qaadeen.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu yahay kii 3aad oo muddo todobaad lagu qaado fariisinka ciidanka Milateriga ku leeyihiin Bacaadaha ee duleedka magaalada Beledweyne.