Wadada isku xirta Isgoyska Bakaaraha iyo Isgoyska Black Sea oo dib u dhis lagu sameeyay

Waxaa maanta xariga laga jaray Wadada Kacaanka (Cirtoogte) ee isku xirta Bakaaraha ilaa isgoyska black sea ee dhex marta Cirtoogte ee Gobolka Banaadir.

Wadadan ayaa muddo 30 sano burbursaneyd oo aan Gaadiidka isticmaali karin, waxaana dhismaha wadadan gacan ka geysatay Shirkadda dhismaha Buruuj oo ah shirkad Soomaaliyeed, iyadoo uu maalgaliyay Naamulka gobolka Banaadir iyo rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wadadan xariga ka jaray.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa ku ammaanay Shirkadda Buruuj dadaalka iyo shaqada adag ay qabatay oo ah dhismaha Wadadan, waxaana ay aheyd howl muddo la sugayay oo miro dhal noqotay.

Madaxda shirkadda dhismaha Buruuj ayaa goobta ka sheegtay in xirfadlayaal Soomaaliyeed ay mashruucan bud dhig u ahaayeen.