Maxkamada Ciidamada oo dil toogasho ah ku xukuntay askari diley labo ruux

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay ku xukuntay dil toogasho ah Xasan Aadan Xasan oo  lagu helay dambiga ah inuu diley 24-Kii Bishii Apriil laba ruux oo shacab ah.

Askarigan oo ka tirsanaa saldhigga booliska Boondheere ayaa ka mid ahaa ciidamo howlgal lagu sugayay bandow la xiriira ka hortagga COVID-19 ka jiro uu ku dilay Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi.

28-kii Bishii June ayay bilaabatay dhageysiga dacwadda loo heystay askarigaas labada qof ku dilay Magaalada Muqdisho, iyada oo ugu dambeyn Maanta Khamiis ah ay maxkamadda Ciidamada go’aan ka gaartay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida xasan Cali Nuur shuute ayaa sheegay in kadib markii Dable Boolis Xasan Aadan Xasan ay ku cadaatay dambiyada loo heystay ee ahaa dilka maruumiinta kala ah Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi lagu xukumay dil toogasho.