Maamulka Taiwan oo wakiil u magacaabay Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maamulka Taiwan ayaa u magacowday Lou Chen-hwa oo ahaa wakiilkeedii u qaabilsanaa dalka Sacuudiga ay maanta u Magacowday Safiirka Taiwan ee Somaliland.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa u xaqiijiyey magacaabista CNA kadib markii warbaahinta maxalliga ahi ay soo weriyeen in laanta fulinta Yuan ay u magacowday Lou, mid ka mid ah afarta dibloomaasiyiin reer Taiwan ah oo ku sugnaa Somaliland ilaa bishii Febraayo iyaga oo isu diyaarinaya in ay xafiiska dhisaan, iyada oo ah wakiilka Taiwan ee Somaliland.

Taiwan ayaa ka go’day Shiinaha, waxaana wadan u aqoonsan dalal uu ka mid yahay Mareykanka, dhawaan ayay xiriir la yeelatay Somaliland.

Somaliland ayaa sidoo kale u Magacowday Wakiil Taiwan sidda uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland.