Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo sheegay in la fashiliyay qorshe dadka lagu kicinayay

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ku tilmaamay rabshadihii ka dhacay Ethiopia saddexdii maalmood ee la soo dhaafay inay ahaayeen isku day lagu doonayo in lagu kiciyo dagaallo sokeeye balse la fashiliyey.

Abiy Ahmed oo kulan uu magaalada Addis-Ababa kula qaatay saraakiisha sarsare ee rayidka iyo saraakiisha ciidamada ka sheegay in dadaal badan ay ku bixiyeen sidii loo qaboojin lahaa xiisada ka dhalatay dilka fanaankii Hundessa.

Telefishanka Ethiopia ayaa wariyey in “87 qof, oo ay ku jiraan afar sarkaal oo bolis, ay naftooda ku waayeen rabshadaha”, sida laga soo xigtay taliyaha booliska gobolka Oromia.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay in abaabulayaasha rabshadaha la qabtay, isaga oo taas uga mahad celiyay ciidamada ammaanka.

Rabshadaha ayaa ka billowday dalka ku yaalla Geeska Afrika Talaadadii, kadib dhimashadii heesaa iyo u dhaqaaqe bulsho Hachalu Hundessa.

Hundessa, oo 36 jir ahaa, ayaa waxaa magaalada Addis-Ababa ku toogtay dabley aan la garanaynin.

Fannaanka caanka ahaa ayaa Khamiista lagu aasay gurigiisa oo ku yaal magaalada Ambo, oo qiyaastii 100 kiiloomitir (62 mayl) Galbeedka ka xigta Addis Ababa.

Hundessa wuxuu ahaa nin caan ka ahaa mudaaharaadyadii lagaga soo horjeeday dawladda ee socday saddex sano kahor inta aanu xukunka iman Abiy, oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada.

Intii lagu guda jiray mudaaharaadyadii horseeday inay dhacdo dowladdii hore 2018, wuxuu noqday codka dadka Oromada.

Xaalada magaalada Addis Ababa ayaa caadi ku soo laabtay iyadoo maanta ganacsiga uu si caadi ah ugu soo noqday.