Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq Qeybtii 5aad

Hooyo anigana waad I qastay ma aqaan waxaan ku dhaho ee iga daa shakiga illaaheyba ma ogolee.

 

Hooyo Baluush:

 

Waa runtaa wiilkeyga shakiga waa wax xun oo u baahan in laga gudbo laakiin laf ahaantaada fikir aniga qof weyn ayaan ahay oo waliba dumar ah sidiisana dumarka dumar uun ayaa garan kara sirtooda.

Hooyo Baluush markii ay intaa tiri ayaa Sadiiq istagay oo uu yiri

 

Sadiiq:

Hooyo farxadii aan gurigaan la soo galay waad qaribtay laakiin marnaba kama shakinayo Amina Sahra waa nolosheyda.

 

Hooyo Baluush:

Waan fahmayaa wiilkeyga sida aad ugu waalan tahay naag looma baahna in sidaa oo dhan loogu kalsoonaado ileyn waa bani’aadam waa ay gefi kartaa wax xunna waa ay ku fikiri kartaa.

Sadiiq isaga oo aan hadal kale oran ayaa uu guriga ka baxay oo uu baabuurkiisa kaxeystay wuxuuna illinka gurigiisa ku kulmeen Amina Sahra oo iyada Baabuurkeeda Parking gelineyso si wadajir ayaa ay guriga ku galeyn Sadiiq shakigii baasaa ee ay hooyadiis ku abuurtay ayaa uu ku sii fikiraayey isaga ku dhawaanayey mararka qaar inuu aamino hadalka hooyadii waayo isaga marnaba lama socon hagardaamadeeda ay ku dooneyso in ay reerkiisa ku baabi’iso.

Hooyo Baluush markii uu Sadiiq ka tagay ayaa ay farxada la sacbisay waxayna gareystay in tallaabtii ugu horeysay ee qorshaheeda in ay ku guuleysatay oo iminkaba hogaanka u qabatay wiilkeeda.

Sadiiq farxadii uu shalay ku jiray manta kuma jiro fikir uun ayaa uu haayey wuxuuna xaaskiisa u sheegay in madaxa xanuunayo oo uu seexanayo laakiin Amina Sahra kama warheyso falaarta mariidka leh ee ay sodohdeed la eeganeyso.

Dhinaca kale Ayaanle awalba ma aheyn mid aqoon raadis oo waxbarashada ku fiican iskuulkiina waa uu wadi waayey wuxuu u jaleecday dhanka haweenka uu uu shabeel ku ahaa tani waxa ay dhib ku aheyd Fartuun oo iyada aragiisa u aheyd quudkii ay ku noolaan laheyd waxayna is arki jireen labo habeen usbuuci oo uu mararka qaar u goyn jiray Fartuun tani waa ay dhibsatay hadana go’aan kama qaadan Karin ileyn waa ay jecleyd.

Adigoo harsan waayey ma laguu soo hoyday ayaa qabsatay Fartuun markii habeenkii dambe uu Ayaanle u sheegay inuu aadayaa magaalada Nayrobi waxaana isaga iyo Fartuun dhex martay doodaan.

Ayaanle:

Macaanto in aan baxo ayaan ogaansaday noloshaan Soomaaliya waa karahsaday

 

Fartuun:

Oo halkee aadeysaa aniga waxaan is lahaa guushii xiriirkiina waa ay dhow dahay

 

Ayaanle:

Waxay ila tahay in aan mar uun nolosha dibada soo dhadhamiyo ileyn dalkaan waan ku caajisay horumarna maba ka arko

 

Fartuun:

Sidaa ha dhihin macaane horumar nolosha aan diyaarineyno ayaaba ah mana filaayo in loo baahan yahay in aad baxdo ileyn nolol ku mashquulisa waan wada dhisi karnaa.

 

Ayaanle:

Ma filaayo Fartuuney maxaa yeelay aniga guur diyaar uma ihi waa masuuliyad adag igana daa

 

Fartuun:

Waa yahayee xiriirkeena sidaan miyuu joogayaa maxayse tahay guurka sababta aad u maanaceyso anigaaba diyaar ah kuu ah oo guurkaaga u bisil.

 

Ayaanle:

Nolosheyda guur kuma fikirin hadana lagama yaabo in aan ku fikiro

 

Fartuun:

Ok sababta ma ogaan karaa

 

Ayaanle:

Waxaan jeclahay nolosha xorta ah guurkana waa kadeed iyo xuriyada ka qaad mana jecli mana ku noolaan karo sidaa ayaan u diidaa.

 

Fartuun:

Haye adiga iyo aniga waqtigeena maxay tahay waxa aan ku bixineyno bal ii sheeg

 

Ayaanle:

Dhalinyaronimo maxaa yeelay nolosheena ayaan ku kifaaxeynaa ka hor inta tan guurka ee xabsiga aan ugu gudbin ok

 

Fartuun:

Waxaan filayaa in aad labo wado ku kala socono

Markii ay Fartuun intaa tiri ayaa  istaagtay inta uu qoorta ka soo gabtay ayaa uu si kedis ah u shubiyey oo uu yiri

 

Ayaanle:

Waan ogahay in lagu dhunkadana ma jeclid maxay aheyd hadda ka hor waxa aad I tiri ninkeyga uun ayaan u ogolahay inuu I dhunkado hadaba ka soo qaad in aad ninkaaga ahay

 

Fartuun:

Ayaanle hadalkeyga in aad iska indho tireysid ayaan u arkaa

 

Ayaanle:

I dhageyso Fartuun aniga in ay Kenya tagayo ayaan kuu sheegay oo aan rabo in aan noloshaas wax ka soo ogaado wax kale ma jiro waana xiriireynaa internetka ayaan ku kala xariireynaa sidoo kale telefoon ayaan kuu soo dirayaa maxaa kale.

 

Fartuun:

Armey dhacdaa in aad I illaawdo

Ayaanle inta uu qoslay ayaa uu yiri

 

Ayaanle:  Q:::::5

Hadaan ku illaawo adigana maad I illaawdid

Fartuun inta ay fadhiga ka kacday ayaa ay tiri

 

Fartuun:

Waxa aad iga damacsan tahay maad si buuxda iigu sheegtid

 

Ayaanle:

Horta soo fadhiiso weli hadalka nooma dhamaan maxaad la carareysaa

Fartuun fadhigii ayaa ay ku soo noqotay Ayaanle oo markaan doonayo inuu hadalka qaboojiyo ayaa yiri

 

Ayaanle:

I dhageyso macaanto 3 bilood oo kaliya ima sugi kartid waa 90 maalmood wax weyn maaha kadib anigaa kuu soo tashanayo

 

Fartuun:

Ok maxaad ku tashtaa 3 bilood kadib

 

Ayaanle:

Guurkeena iyo in aan xiriirkiina adkeyno maxaa kale

Fartuun oo farxad la dhiman gaartay ayaa ku soo booday oo madaxa ka dhunkatay Ayaanle oo ay wax walba dheeldheel ka yihiin ayaa yiri

 

Ayaanle:

Maadaama sidaa rabtay kuu yeelay xataa si cajiib leh leyma dhunkanayo macaanto

 

Fartuun:

Taas maalinteeda ayaa ay imaan doontaa inshah Allah

 

Ayaanle: 

Aniga usbuuc gudaheeda ayaan ku baxayaa mana filaayo in aan heli doono habeen kale oo aan kugu imaado marka telefoon ayaan isku maqlo doonaa xabiibti ducadana isku soo kaab safar dheer oo dhulka ah ayaan galayaa.

 

Fartuun:

Inshah Allah macaane waad sama tageysaa aamiinta ducada iyo Alla bariga igu haley

Ayaanle oo wax kasta samir siin ay ka tahay ayaa ku yiri

 

Ayaanle:

Aniga markasta waan isku kaa haleeyaa

Sidii ayaa la isku macasalaameeyey Fartuun isla markiiba waxay abaartay dukaankii Farxaan si ay ugu sheegto in 90 maalmood maalmood kadib ay guursaneyso waa ay ficnaa laheyd in murugtaan weyn aysan la doonan Farxaan laakiin iyada wuxuu yahay saxiib kaga wanaagsan walaalaheed waxyna markiiba ay la soo booday.

 

Fartuun:

Tallaabtaad ila qaatay guusheedii waan helay Farxaan

Farxaan oo horeba ka garanayey farxada ka muuqato inuu hourmar jiro ayaa yiri

 

Farxaan:  

Guulaha waa ay wejiyo badan yihiin guushaada ma ogaan karaa

 

Fartuun:

Waxaa tahay qofka ugu horeysay ee ogaan lahaa Ayaanle 3 bilood kadib ayaa uu ila doonay inuu guurkeena dhaco

 

Farxaan:

Gartay

 

Fartuun:

Iminka Kenya ayaa uu aadayaa kadibna guurkeena diyaarintiisa ayaan galeynaa

 

Farxaan:

Muxuuna halkaas ka doonayaa

 

Fartuun:

Walaahi waa iska dalxiis ayaan dhihi lahaa

 

Farxaan:

Hambalyada hadaan kuu sii hormariyo ka waran

 

Fartuun:

Waan kaa gudoomay walaal ma ogtahay in aad ii tahay walaal, saaxiib & dejiyaha nafteyda

 

Farxaan:

Waxaa la yiraahdaa qof walba waxa uu helaa waxa uu u qalmo intaba waad u qalantaa

 

Fartuun:

Iga waran jaceylkii aad hada ka hor ii sheegtay inuu mar ku soo maray halkee ayaa uu ku dambbeeyaa

 

Farxaan:

Gabadhaas in aan nolosheeda u qalmo iima aragto

 

Fartuun:

Side adigoo sidaan oo dhan u wanaagsan miyeysan kuu jeedin alla taas ayaandaranaa

 

Farxaan:

Waxaa laga yaabaa in ay heysato nin aniga igaga fiican oo iyada u aragto in ay aniga igaga kalsoon tahay

 

Fartuun:

Ma filaayo in la heli karo nin adiga kaa wanaagsan

 

Farxaan:

Ayaanle ka waran sow igama wanaagsana

 

Fartuun:

Maxaad ka wadaa

 

Farxaan:

Maya sida aad adiga hadda Ayaanle ugu kalsoon tahay ayaan ka wadaa wax kale maaha

 

Fartuun:

Laakiin adiga & Ayaanle nolosheyda 2 dhinac ayaad kaga jrtaan adiga walaalkey ayaa tahay laakiin isaga markaan fiirinayo ninnimo ayaan u arkaa oo aan u fiiriyaa.

 

Farxaan:

Sow gabadhaasna lagama yaabo in aysan ninimo ii fiirin oo ay walaal oo kale ii aragto

 

Fartuun:

Ma aqaan gabadhaas

 

Farxaan:

Maya xafad kale ayaa ay degan tahay

 

Fartuun:

Adiga qalbigaaga siduu yahay iminka sow xanuun malaha in aad runta ku qanciso

 

Farxaan:

Manta ka hor waa uu diidanaa inuu qanco laakiin manta waa uu ku qasban yahay

 

Fartuun:

Maxaad ka wadaa maxay tahay waxa uu manta qancinta u qaadanayo

 

Farxaan:

Maxaa yeelay gabadhaas waala guursanayaa marka ma filaayo inuu qalbigeyga ku sii fikiri karo naag la qabo

Fartuun marnaba ma fahmin hadalada kor marka ee uu Farxaan ka soo yeerayey waxayn tiri

 

Fartuun:

Waxaan kuu rajeynayaa mid ku kaafiso in aad heli doontid

 

Farxaan:

Laakiin mid aan ku faraxsan nahay igu ducey

 

Fartuun:

Inshah Allah wad heleysaa ileyn samirka sed ayaa uu leeyahay waana ku hubaa in maalin aad heli doonto mid kuu qalanta oo aad ku faraxdo.

Fartuun sidii ayaa ay ku shareecatay oo ay gurigooda ku aaday Farxaan inta uu fadhiistay ayaa uu qalbigiisa gacantiisa ku garaacay oo uu.

“” Waadigii quuso lagaa kari waayayee iminka quuso waa tan Fartuun 90 maalin kadib nin xillahiisa noqon doonto””.

Sadiiq wax weyn ayaa noloshiisa iska badashay farxadii oo dhan ayaa ka guurtay hadalkii hooyadii Baluush ayaa maskaxda ka qasay oo uu in badan.

Waa Sheekadii : kurbo aduun iyo kadeed caashaq  kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com