Dad cusub oo u geeriyooday cudurka Covid-19 dalka Soomaaliya

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in labo ruux ay 24kii saacadood ee la soo dhaafay ay ugu geeriyoodeen gudaha Soomaaliya cudurka Covid-19.

Hase yeeshee lama sheegin halka ay ugu geeriyoodeen labadan ruux cudurka Covid-19 iyadoo tirade dadka u dhintey cudurkan gudaha Soomaaliya ay gaartay 92 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 21 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 973.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 23 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 16, Puntland 5, Gobolka Banaadir 1, iyo Jubbaland 1 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2, 961.

“Bukaannada cusub 22 ka mid ah waa rag 1-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay 2 bukaan ayaa u geeriyootay COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 92 qof.”ayay tiri Wasiirka caafimaadka Soomaaliya.

Geerida labadan ruux ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowlada federalka ay shaacisay in duulimaadyada gudaha dalka ay dib u bilaabanayaan 5ta bishan.