Faah faahin: Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay duleedka magaalada, gaar ahaan goob canshuuraha lagu qaado.

Qaraxan oo dhulka la geliyay ayaa lagu qarxiyay Ciidamo iyo dad ku sugnaa goobta canshuuraha gaadiidka aada magaalada Baardheere.

Wararka ayaa sheegaya in shan qof oo askar ay ku jiraan ay ku dhinteen qaraxa, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale 10 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo ahaa dad isugu jiray askar iyo shacab goobta ku sugnaa.

Isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa maanta ahaa maalin mashquul u ahaa, iyadoo dadka ku dhaawacmay qaraxa oo la dhigay Isbitaalka lala tacaalayay xaaladooda.