Madaxweynaha Koofur Galbeed oo sameeyay xil ka qaadis Labo Wasiir iyo Magacaabid l(Akhriso)

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xilka ka qaaday Labo wasiir oo ka tirsanaa Golihiisa Wasiirada.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa xilka looga qaaday  Wasiirkii Warfaafinta iyo Wasiirkii Macdanta iyo Batroolka.

Xil ka qaadista Wasiirka Warfaafinta Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa loo aaneynayaa arrimo kala duwan, sida cod sir ah oo horay looga duubay bilo ka hor markii Madaxweynaha Koofur Galbeed uu Baarlamaanka weydiistay in muddo sanad loogu daro, isaga iyo Baarlamaankana hal mar isla dhacaan.

Ugaas Xasan Cabdi ayaa Wasiir soo ahaa tan iyo xilligii la soo dhisay Maamulka Koofur Galbeed.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada:-