Dib u dhac ku yimid Shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada

(Sawir hore)

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo qorsheysnaa inuu dhaco oo maanta oo Axad ah, kuna beegan taariikhda 5 bisha July, kaddib markii uu horay Madaxweyne Farmaajo u iclaamiyay, kuna martiqaaday maamul goboleedyada inay isugu yimaadaan shirka oo ka dhici lahaa Muqdisho.

Hase ahaatee Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa diiday ka qeyb galka shirka, kaddib go’aano ka soo baxay Baarlamaanadooda.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Maamul goboleedyadaas ay tabasho ka muujiyeen Madaxweyne Farmaajo oo ay ku dhaliileen in aanu fulin qodobadii shirkii dhanka Qadka isgaarsiinta ee ahaa in la joojiyo xeerarka doorashada uu ka doodayo Baarlamaanka.

Sidoo kale maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka soo horjeestay xeerkii mataaladda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo uu ansixiyay Golaha Shacabka, kaasoo ay ku tilmaameen in aan loo marin waddo sharci ah.

Shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku mudeysnaa 5-8 bishan July inuu dhaco, balse illaa iyo hadda ma jirto Hal maamul goboleed oo soo gaaray Muqdisho, gaar ahaan kuwa taageersan dowladda Federaalka, sida Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Madaxtooyada oo ku saabsan dib u dhaca ku yimid shirkan, waxaana uu noqonaya markii 3aad oo uu baaqdo shir uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo oo ku casuumay maamul goboleedyada, iyadoo labo jeer oo hore Madaxweynuhu ku baaqay shir, balse ay qaadaceen maamul goboleedyada.