Faahfaahin ka soo baxaysa diyaarad shil ku gashay magaalada Baardheere

Diyaarad laga leeyahay dalka Kenya ayaa ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Lama oga sababta rasmiga ah ee diyaaradan ay shilka u gashay hase yeeshee waxaa wararka ay sheegayaan in diyaaradan ay mid ka mid ah lugaheeda ay qaraxday.

Diyaaradan oo ah nooca rakaabka iyo xamuulkaba qaada Fokker 50 kana diiwaangashan 5Y-WFC ayaanay jirin cid waxyeelo ka soo gaartay.

Diyaaradan ayaa ah tii labaad oo laga leeyahay dalka Kenya oo shil ku gasha dalka Soomaaliya waxaana diyaarad ay lahayd African Express ay ku burburtay meel ku dhow magaalada Bardaale bishii May afarteedii ee sanadkan.

Diyaaradan ayaa waxaa soo ridey sida la rumeysan yahay ciidamada Ethiopia waxaana ku dhintey lix ruux oo saarnaa diyaarada.

Sidoo kale 25kii bishii May diyaarad laga leeyahay dalka Kenya ayaa rasaas lagu furay iyadoo maraysay Qansaxdheere gobolka Bay.
Shilka diyaaradan ayaa ku soo beegmaya xilli maanta ay dib u bilowdeen duulimaadyada gudaha ee dalka Soomaaliya.