Odawaa “Dadka u banaan baxaya Farmaajo in gaari ciidan lagu ilaaliyo, kuwa cabashada muujinaya lagu weeraro…”

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa cambaareeyay xarigii maanta Ciidamo ka tirsan Booliska u geysteen Guddoomiyihii hore ee degmada C/casiis oo ka mid ahaa dad dhigayay banaan bax ka dhan ah dowladda oo saaka la dhacay Daljirla Dahsoon.

Odawaa ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in aanay suura gal aheyn in dadka u banaan baxaya Madaxweyne Farmaajo kagu waardiyeeyo gaadiidka ciidanka, halka kuwa cabashada muujinaya lagu weeraro.

Waxaa uu ku baaqay in si degdeg ah xoriyadooda loo soo celiyo dadka la xiray uu ku jiro Guddoomiyihii hore degmada C/casiis Cusmaan Muxiyadiin Cariif.

Halkan hoose ka akhriso:-

Dastuurka Dowladda Federaalka ayaa damaanad qaadaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay cabashadooda iyo taageeradooda isku soo bax nabadeed ku cabiri karaan.
Waxaan cambaareynayaa in rasaas nuucyadeeda kala duwan loo adeegsado muwaadiiniin si nabad ah isugu soo baxey maanta magaalada Muqdisho.

Suuro gal maahan in dadweynaha MW Farmaajo u soo banaan baxa in gaadiidka ciidanka lagu waardiyeeyo, kuwa cabashada muujiyana lagu weeraro.

Waxaan ku baaqayaa in si dag dag xoriyadooda loogu soo celiyo dadka sida sharci darada ahay lagu xiray oo uu ka mid yahay:mudane Cusmaan Cariif, Gudoomiyihii hore ee dagmada Cabdicasiis.