C/raxmaan C/shakuur oo shaaciyay in Mursal iyo Muudey ay wadaan muddo kororsi iyo in la bedelo…

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka ay qorsheynayaan muddo kororsi iyo in xilligan la bedelo Xukuumadda.

Waxaa uu sheegay in Guddoomiye Mursal iyo Muudey ay xilalkooda 4 bil uga harsan yihiin, isagoo ugu baaqay in waqtigooda geliyana sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay.

“Mursal iyo Muudeey muddo xiloodkooda 4 bil oo keli ah ayaa ka harsan. Halkii uu waqti kaga lumi lahaa muddo kororsi iyo in xiligan xukuumad la bedelo, waxaa u haboon in ay waqtigooda geliyaan sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay oo si nabad ah xiligeeda ku dhacda, Haddii ay kaalintooda gabaan, cid kale ayaa kol aan dheerayn buuxin doonta. Waxaa dhiragelin mudan kaalinta Guddoonka Aqalka Sare”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Guddoomiye Mursal iyo Muudey ay la kulmeen Madaxweynayaashii hore ee dalka oo ah Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran, waxaana ay kala hadleen arrimaha doorashooyinka iyo sidii doorasho heshiis lagu yahay loo qaban lahaa.