Faahfaahin Iskahorimaad hubeysan oo ku dhacay magaalada Jowhar

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in iskahorimaad hubeysan oo u dhexeeya ciidamada dowlada uu ka dhacay meel ku dhow madaxtooyada Hirshabelle.

Iskahorimaadkan ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday mid ka mid ah ciidamada booliska magaalada Jowhar halka saddex kale oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah madaxtooyada Hirshabelle ee magaalada Jowhar ay ku dhaawacmeen.

Rasaas xoog leh oo la isu adeegsaday iskahorimaadkan ayaa laga maqlay xaafadaha ay magaalada Jowhar ka kooban tahay,iyadoo cabsi la soo deristey dadka ku nool xaafadaha ku dhow dhow halka uu dagaalku ka dhacay.

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa iska horimaadkan hase yeeshee wararka ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka bilowday muran ka dhashay dhul ku yaal afaafka hore ee madaxtooyada Hirshabelle.

Dadaalo ay sameeyeen maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in la joojiyo dagaalka iyadoo caadi ay ku soo laabatay goobihii dagaalku uu ka dhacay.