Madaxweynaha Kenya oo ku dhowaaqay in la qaaday xayiraadii saarneyd magaalada Nairobi

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhowaaqay in la qaaday xayiraaddii dhanka safarka ee saarneyd qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in la qaadayo laga bilaabo berri oo Talaado ah xayiraadii saarneyd magaalooyinka Nairobi, Mombasa iyo Mandheera oo hore loo saaray sababo la xiriira cudurka Covid-19.

Hase yeeshee Uhuru ayaa sheegay in muddo 30 maalmood ah lagu daray bandowga xilligii habeenkii ee lagu soo rogay dalkaas si looga hortaggo fiditaanka cudurka Corona.

Duulimaayada gudaha ayuu sheegay Madaxeynaha Kenya in dib u bilaaban doonto 15-ka bishan July halka duulimaadyada caalamiga ah la furi doono 1-da bisha Agosto.

Dalka Kenya ayaa sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka dalkaas ay cudurka Covid-19 u geeriyoodeen dad gaaraya 164 ruux halka guud ahaan dadka laga helay cudurka ay gaarayaan 8,067, balse waxaa ka bogsaday cudurka bukaano gaaraya 2,414 .