Madaxweynaha Brazil Bolsonaro oo laga helay cudurka Covid-19

Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa laga helay cudurka Coronavirus kadib markii baaritaan lagu sameeyay.

Bolsonaro oo hore ugu tilmaamay cudurkan inuu yahay hargab aad u yar ayaa lagu arkay calaamadaha xanuunka oo ay ka mid tahay herkulkiisa oo aad u sarreeyay.

Madaxweyne Bolsonaro ayaa u xaqiijiyay weriyaal ku sugan magaalada Brasilia in cudurkan laga helay xilli uu xirnaa afxir.

“Waan wanaagsanahay,xitaa waan ku dhex lugeeyaa halkan balse waxaan raacayaa tilmaamaha ay dhakhaatiirta I siiyeen,”ayuu yiri Madaxweyne Bolsanaro.

Madaxweyne Bolsanaro oo 65 sano jir ah ayaa lagu arkayay goobaha fagaarayaasha dadku ay isugu yimaadaan waxana uu gacan qaadi jirey taageerayaashiisii isagoo aan xirneyn afxir iyo gacmo gashi.

Bolsanaro ayaa hore u diidanaa xirashada maskarada wajiga waxana uu diiday in xayiraado lagu soo rogo dalkiisa.

Wadanka Brazil ayaa ah dalka labaad ee dunida saameyn weyn uu ku yeeshay cudurkan coronavirus waxaana tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 65,000 oo qof, halka 1.6 milyan oo qofna laga helay cudurka.