Daawo: Madaxweynaha Puntland oo ka warbixiyay Ujeedada Shirka Dhuusamareeb

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ka warbixiyay shirka ka dhacaya Dhuusamareeb 9-ka bishan July oo ku beegan khamiista soo socota, kaasoo ay yeelanayaan Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ujeedada shirkaas uu yahay qiimeynta xaalada siyaasadeed ee dalka sidoo kale looga arrinsanayo waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga arrinsanayo xaaladaha hada taagan looga gudbo marxalada ugu muhiimsan ee doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa xusay in Madaxda maamul goboleedyadda ay ka wada hadli doonaan sidii loo heli lahaa xal ku aadan in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay ayna diyaarin doonaan kulan dhexmara maamul goboleedyada iyo Madaxda dowladda dhexe.

Halkan hoose ka daawo:-

MADAXWEYNE DENI OO KA WARBIXIYEY SHIRKA DHUUSOMAREEB EE DOWLADDAHA XUBNAHA KA AH DFS.

Madaxweyne Deni ayaa ka warbixiyey Shirka loo muddeeyey 9-ka Luulyo-2020 inuu ka furmo magaalada Dhuusomareeb, kaasi oo ay isugu tegayaan Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.Isniin iyo Maalinta La hadalka Dadweynaha Gaalkacyo: 06-07-2020

Publiée par Puntland State House sur Lundi 6 juillet 2020